Ugu yaraan labo askari oo ku dhintay dagaal Shebeellaha Dhexe ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya

Ciidamada dowladda Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Ciidamada dowladda Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalka oo salka ku haya muran u dhaxeeya labo sargaal oo ciidamada ka wada tirsan ayaa ka dhacay deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay ku warameen saxaafada maxaliga ah ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalada dhexmara ciidamada ka wada tirsan dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa ah kuwo mar walba soo noqnoqda, waxaana keena dagaaladaas ciidamada oo aan u diyaarsanayn qaab qaran balse u habaysan qaab qabiil.

Tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii xukuumadii dhexe ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare 1991-dii, Soomaaliya ma aysan yeelan ciidamo qaran oo leh tababar sare.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*