Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada Puntland oo ku dhaawacmay is-rasaasayn dhexmartay burcadbadeeda oo ka dhacday deegaan xeebeed u dhow Caluula

Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada Puntland oo ku dhaawacmay is-rasaasayn dhexmartay burcadbadeeda oo ka dhacday deegaan xeebeed u dhow Caluula. [Sawirka: Archive]
Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada Puntland oo ku dhaawacmay is-rasaasayn dhexmartay burcadbadeeda oo ka dhacday deegaan xeebeed u dhow Caluula. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay kadib markii ay rasaas is-weydaarsadeen burcadbadeeda kuwaasoo markab ganacsi ku afduubtay xeebta degmada Caluula ee gobolka Bari asbuucaan horaantiisii, sida uu sheegay sarkaal.

Mowliid Xasan, oo ah sarkaal katirsan ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa Puntland Mirror khadka taleefoonka ugu sheegay in iska hor imaadku uu ka dhacay deegaan xeebeed u dhow degmada Caluula subaxnimadii hore maanta oo Khamiis ah.

Isku dhaca ayaa dhacay kadib markii ciidamada PMPF ay joojiyeen dooni yar oo saad u siday burcadbadeeda, sida uu sheegay sarkaalku.

Dhacdadan ayaa imaanaysa kadib markii Puntland ay ciidamo badan oo katirsan PMPF u dirtay deegaan xeebeedka gobolka Bari si ay burcadbadeeda uga badbaadiyaan markabka iyo shaqaalaha saaran.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*