Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku geeriyooday qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku geeriyooday qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyooday kadib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay maanta oo Arbaco ah uu ku qarxay gudaha degmada wadajir ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Gaariga ayaa qarxay markii askartu ay isku dayeen in ay furfuran gaariga, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas dhacay maanta oo Arbaco ah, balse caasimada Soomaaliya ayaa la kulantay mowjado qaraxyo gaari ah intii lagu guda jiray asbuucyadii lasoo dhaafay, oo ay masuuliyadooda sheegatay ururka hubaysan ee Al-Shabaab.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*