Ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, afar askari oo ciidamada DFS ahna waa ay ku dhaawcameen qarax miinada dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay Muqdisho

Som armed forces
Ciidamada amaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya. Sawirka: Gettyimages.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay afar kale oo ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ahna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii miinada dhulka lagu aaso lala beegsaday gaari ay ciidamada dowlada leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho, sida uu sheegay sarkaal.

Qaraxa ayaa ka dhacay saakay oo Isniin ahayd degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

“Hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay afar kale oo ciidamada dowlada ahna waa ay ku dhaawacmeen qarax miinada dhulka lagu aaso ah, qofka shacabka ahaa oo dhintay waxay ahayd haweenay ka shaqayn jirtay cisbitaalka,” xoghayaha dowlada hoose ee degmada Dayniile, Mahad Maxamed Sharaawe ayaa sidaa uu sheegay warsidaha Puntland Mirror.

“Hal askari ayaa loo malaynayaa inuu dhaawac halis ah ku suganyahay.” Ayuu ku daray xoghayaha.

Weerarkan miinada dhulka lagu aaso ah ayaa yimid saacado yar kadib markii wasiirka ciyaaraha Soomaaliya uu ka badbaaday isku-day la rabay in lagu dilo xalay oo Axad ahayd magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarkan miinada dhulka lagu aaso ah, balse maleeshiyada al-Shabaab ayaa horey u qaaday weeraro kan lamid ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*