Ugu yaraan hal qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalada Utsunomiya ee Japan

Labo gaari oo goobta ka ag dhawaa oo dab qabsaday. [Xuquuqda Sawirka: AFP]
Tokyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay meel baabuurta la dhigto oo kutaala magaalada Utsunomiya  ee dalka Japan, sida ay ku warameen warbaahinta dalkaasi.

Labo gaari oo ka ag dhawaa meesha baabuurta la dhigto ayaa sidoo kale dab qabsaday, sida ay sheegeen booliiska.

Ma cadda sababta keentay qaraxyada ilaa iyo hadda.

Taleefishinka Japan ee NHK ayaa sheegay in booliiska ay gaari dhexdiisa goobta yaalay ay ka heleen waraaq muujinaysa is-biimayn. Gaariga ayaa waxaa lahaa nin 72-sanno jir ah, oo loo malaynayo in uu ahaa xubin kamid ah ciidamada.

Gurigiisa oo kuyaala magaalada Utsunomiya ayaa waxaa burburiyay dabka kahor inta uusan qaraxa dhacin, sida taleefishinka sheegay.

Ciidamada booliiska ayaa goobta xirtay.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*