Ugu yaraan hal qof oo ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedka sheegayaan.

Qaraxa ayaa ka dhacay duhurnimadii maanta oo Isniin ah Suuq Bacaad oo kuyaala degmada Yaakhshiid ee Muqdisho.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka dowlada ee Sonna maanta oo Isniin ah ciidamada amaanka ayaa qabtay darawalkii gaariga waxayna ka qabsadeen hub kahor qaraxa inta uusan dhicin.

Sida ay wararka sheegeen, ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse saraakiisha amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay umalaynayaan in uu ahaa shaqada kooxda hubaysan ee Al-Shabaab, taasoo u dagaalamaysa sidii ay awooda uga tuuri lahayd dowlada uu caalamka taageero ee Soomaaliya oo fadhigeedu yahay Muqdisho.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*