Ugu yaraan hal qof oo ku dhintay mudaharaad ka dhacay magaalada Laas-caanood

Gaari la gubay Laas-caanood
Gaari booliis oo lagu gubay magaalada Gaalkacyo. Sawirka: Facebook.

Laas-caanood-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool kadib markii dad shacab ah oo mudaharaadayay oo ka cabanya dilal dhawaan ka dhacay magaalada iyo ciidamada booliiska maamulka Somaliland uu maanta oo Axad ah iska hor imaad ku dhexmaray gudaha magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka dadka mudaharaadayay ayaa weeraray saldhigyada ciidamada booliiska ee magaalada, dadka ayaa ku qaylinayay in maamulka Somaliland ay isaga baxaan magaalada Laas-caanood.

Sawiro warbaahinta bulshada lasoo dhigay ayaa muujinaya baabuur ay leeyihiin ciidamada booliiska oo ay dab qabadsiiyeen dadka mudaharaadayay.

Magaalada ayaa hadda laga maqlayaa rasaas teel-teel ah sida qof dadka deegaanka ah uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Ciidamo aad u badan oo ka socda maamulka Somaliland ayaa laga soo buuxiyay gudaha magaalada.

Laas-caanood ayaa ka baxday gacanta Puntland bishii May ee sanadkii 2007-dii, waxaana tan iyo wakhtigaas haystay maamulka Somaliland.

Magaalada ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ka dhacay dilal loo geystay dad shacab ah, iyadoo aan la aqoon cida ka dambaysa dilalkaas.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*