Ugu yaraan hal qof oo ku dhintay isku-dhac ka dhacay Gaalkacyo oo dhexmaray maleeshiyo iyo ciidamo Puntland ah

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay kadib isk-hor imaad u dhaxeeya ciidamo katirsan dowlada Puntland iyo maleeshiyo beeleed deegaanka ah oo ka dhacay maanta oo Sabti ah magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Isku-dhaca ayaa yimid kadib markii maleeshiyada ay damceen in ay ciidamada dowlada kala wareegaan baabuur loo waday dhanka maamulka Galmudug.

Sida ay dadka deegaanka warsidaha Puntland Mirror u sheegeen, qofka dhintay ayaa kamid ahaa maleeshiyada weerarka ku qaaday ciidamada dowlada.

Sida ay wararka sheegayaan ciidamada ayaa baabuurtii u gudbiyay halkii loo waday.

Baabuurta la gudbiyay

Baabuurta loo waday dhanka Galmudug. Sawirka: Puntland Mirror.

Baabuurta ayaa ka kooban afar nooca Cabdi Bile ay Soomaalida u taqaan iyo hal gaari oo Land Cruiser ah oo aysan xabadu Karin.

Baabuurta oo saarnaa Markab mucaawino ah oo dhawaan kusoo xirtay dekada magaalada Boosaaso ayaa dowlada federaalka Soomaaliya waxay ugu deeqday ciidamo ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolada dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan gobolka Galgaduud, sida ay wararka sheegayaan, balse waxaa kale oo jira warar sheegaya in baabuurtaas loo waday maamulka Galmudug.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo dowlada Puntland ayaa ogolaatay in baabuurtaas laga dejiyo dekada Boosaaso iyadoo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu amray in baabuurtaas loo sameeyo canshuur dhaaf.

Bishii lasoo dhaafay ayaa baabuurtaas waxaa Garoowe ku qabsaday ciidamo katirsan dowlada Puntland, gaar ahaan ciidamada uu hoggaamiyo Jimcaale Jaamac Takar, waxayna baabuurtaas haysteen muddo bil ku dhow, iyagoo ka badalay ranjigii ku buufsanaa markii hore oo buluug ahaa.

Dadaal dheer oo ay sameeyeen isimada gobolka Nugaal ayaa lagu guulaystay in ciidamada laga sii daayo baabuurta ay haysteen mudada.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*