Ugu yaraan afar qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay gudaha magaalada Garoowe

Sawirkan waxaa ka muuqda booyad biyoodka iyo gaariga isku dhacay deegaanka Jilab ee Garoowe. [Xigashada Sawirka: Facebook/abdirizak hayir]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay labo gaari oo isku dhacay gudaha magaalada Garoowe, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka iyo dadka deegaanka.

Shilka ayaa dhacay markii booyad biyood iyo gaari kale ay isku dhaceen deegaanka Jilab oo katirsan Garoowe subaxnimadii saakay oo Isniin ah, sida dadka deegaanka ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Shan qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka iyadoo loo qaaday isbitaalka guud ee Garoowe, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*