Ugu yaraan afar dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ay qaadeen Mareykanku oo ka dhacday meel u dhow Muqdisho

Sawirka: Maleeshiyada Al-Shabaab.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn ay qaadeen Mareykanku oo ka dhacday meel u dhow Muqdisho, sida ay bayaan ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika maanta oo Khamiis ah.

Weerarka ayaa fiidnimadii Arbacada ka dhacay meel qiyaas ahaan 25 kaga beegan galbeedka Muqdisho, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika.

Gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa sidoo kale lagu burburshay duqeynta, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Arbacadii, Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeyn ka geysteen koonfurta Soomaaliya taasoo dhacday horaantii asbuucaan, waxaana lagu dilay 13 maleeshiyo oo Al-Shabaab ah.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymihiisa ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya. Horaantii bishii lasoo dhaafay ee November, Mareykanka ayaa qaaday duqeyn ka dhan ah maleeshiya ISIS ee ku sugan Puntland, Soomaaliya markii ugu horeysay.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*