Ugu yaraan 7 qof oo ku dhimatay weerar ay al-Shabab ku qaadeen huteel Naasahablood oo ku yaala Muqdisho

Gaari gubanaya banaanka hore ee huteel Naasahablood Muqdisho. Sawirka Faysal Cumar/Reuters.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerar is-qarxin ah ku qaaday huteel kuyaala bartamaha Muqdisho galabta oo Sabti ah sidoo kale dagaalyahano ayaa gudaha u galay huteelka, sida ay sheegeen booliiska iyo maleeshiyada al-Shabaab.

Booliiska ayaa sheegay ugu yaraan todobo qof in ay ku dhinteen 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Waxaanu weerar ku qaadnay huteel kaasoo inta badan ay dagaan xubno dowlada ah,” afhayeenka howlgalada militariga kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters, isagoo intaas ku daray in dagaalyahanada kooxda ay ku jiraan gudaha dhismaha.

Al-Shabaab ayaa mar walba weeraro ku qaada gudaha caasimada iyadoo maleeshiyada dagaal kula jirta dowlada uu caalamka dabada ka riixayo.

Dadka ku dhintay waxaa kamid ah dad shacab ah iyo ilaaladii huteelka sida uu Reuters u sheegay Cali Xasan oo taliye sare oo booliis ah.

“Waxaanu dad badan ka badbaadinay albaabka dambe. Ma jirto cid kasoo gali karta dhismaha hore ama meelaha horey u dhow. Waxaa halkaas jooga niman qoryo wata,” ayuu yiri taliyuhu isagoo sheegay in dagaalka uu wali socdo.

Muslimiinta ku nool Soomaaliya iyo caalamka kale ayaa sooman. Sanadadii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro badan qaaday intii lagu guda jiray bisha barakaysan ee Ramadaan, iyagoo badanaa bartilmaameedsada meelaha ay dadka isugu yimaadaan kahor ama kadib afurka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*