Ugu yaraan 62 askari oo Suuriyaan ah oo ku dhintay duqaymo diyaaradeed oo loo malaynayo in ay qaadeen Xulufada Maraykanka uu hoggaaminayo

f-16
Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka nooca la yiraahdo F-16.

Washington-(Puntland Mirror) Xulufada uu Maraykanka hoggaaminayo ayaa lagu soo waramayaa in ay duqayn ku dileen tobonaan kamid ah ciidamada Suuriya shalay oo Sabti ahayd.

Militariga Maraykanka ayaa sheegay in xulufada ay joojiyeen duqaymahoodii ka dhanka ahaa waxa loo malaynayo saldhigyada ISIS ee kuyaala magaaada kutaala bariga dalka Suuriya ee Deir Az Zor kadib markii Ruushka sheegay in ciidamo militari oo Suuriyaan ah iyo baabuur ay duqaymuhu ku dhaceen.

“Waanu baaraynaa dhacdadaas,” sidaa waxaa saxaafada ku yiri safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Samantha Power.

“Haddii ay dhacday in aan duqayntaas ku dhacday militariga Suuriya, taasi maahayn ku talogal. Dabcana ceeb bay nagu tahay dhimashada askartaas,” ayay ku dartay.

Haddii ay cadaato, waxay noqonaysaa markii kowaad oo Maraykanka uu duqaymo toos ah la beegsadao ciidamada taageersan Madaxweyne Bashar Al-Assad.

Ruushka ayaa sheegay in 62 askari oo Suuriyaan ah ay ku dhinteen ugu yaraan 100 kalena ay ku dhaawacmeen duqaymahaas diyaaradeed oo ay qaadeen xulufada Maraykanka hoggaaminayo.

Militariga Ruushka ayaa sheegay in laba diyaaradood oo F-16 ah iyo labo A-10 ah ay dul mareen hawada Suuriya kuwaasoo ka yimid dalka dariska ah ee Ciraaq si ay duqaymaha u gaystaan.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*