Ugu yaraan 60 qof oo ku dhimatay tareen ku qalibmay waqooyiga Hindiya

tareen
60 qof oo ku dhimatay tareenka ku qalibmay waqooyiga Hindiya. [Sawirka: Twitter]
Hyderabad-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 60 qof ayaa dhimatay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii tareen uu wadada ka baxay waqooyiga gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya, sida ay sheegeen booliiska.

Tareenka ayaa marayay  inta u dhaxaysa waqooyiga-bari magaalada kutaala ee Patna iyo magaalada kale ee kutaala bartamaha ee Indore markii uu shilku dhacay maanta oo Axad ah.

“Tirada dhimashada hadda waxay kor u dhaaftay 60 qof,” sidaa waxaa yiri Zaqi Ahmed oo ah kormeeraha booliiska ee Kanpur ee gobolka Uttar Pradesh.

“In ka badan 150 waa ay ku dhaawacmeen.” Ayuu ku daray.

Hindiya ayaa ah dalka afraad ee ugu weyn habka wadooyinka tareenada, isagoo qaada in ka badan 20 milyan maalin walba, laakiin waxaa haysata khatar dhanka wadooyinka ah iyadoo sanad walba ay kumanaan qof u dhintaan shilal.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*