Ugu yaraan 36 qof oo ku dhimatay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha Istanbul dalka Turkiga

Photo by: Reuters
Kooxaha caafimaadka deg dega ah oo qaadaya dadka dhibaatadu soo gaartay. (Sawirka: Reuters)

 

Ugu yaraan 36 qof ayaa ku dhimatay 147 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen weeraro isbiimayn ah oo ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga (Ataturk) ee magaalada Istanbul dalka Turkiga, sida uu sheegay Raysulwasaaraha Turkiga Binali Yildirim.

Qaar kamid ah dhaawacyada ayaa ku sugan xaalad daran laakiin in kale oo badan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud. Dhalashada dadka dhibaatadu gaartay ayaan wali la cadayn.

Xilli dambe habeenimadii xalay oo Talaado ahayd saddex argagixiso ah oo isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay halka laga soo galo garoonka ee qaybta Terminalka kahor inta aysan marin qalabka baaritaanka amaanka iyadoo mid kamid ah weeraryahanada uu qoriga AK-47 ka xabado ka furay, sida ay sheegeen saraakiisha.

Sida uu sheegay RW Turkiga argagixisada ayaa garoonka ku yimid gaari taksi ah.

Isagoo ka hadlayay garoonka dhexdiisa wasiirka arrimaha gudaha Binali Yildirim waxa uu yiri “Ciidamadayada amaanka waxay heleen cadaymo muujinaya in weerarkan argagixiso ay sameeyeen Daacish laakiin wali waxaanu ka shaqaynaynaa in aan qeexno cida ka dambaysa weerarka.”

Kani waa weerarkii ugu dambeeyay weeraro is-xigxiga oo lala beegsaday magaalada Istanbul bilihii lasoo dhaafay. Garoonka diyaaradaha caalamiga Ataturk ayaa kamid ah garoomada ugu mashquulka badan aduunka.

Garoonka caalamiga diyaaradaha Ataturk ee magaalada Istanbul, Turkey.

 

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si xoogan u cambaareeyay wuxuuna yiri “Qof walba ha ogaado in ay yihiin kuwaasi ururo argagixiso Ma jirto farqi u dhaxeeya Istanbul, London, Ankara, Berlin, Izmir, Chicago, Antalya iyo Rome. Waa wadamo xushmad leh, haddii aynaan gacanta isqabsan u lana dagaalamin ururada argagixisada si wadajir ah waxaynu wajahi doonaa dhibaatooyin badan kuwaasoo aynaan waligeen umalayn doonin.”

Kooxaha caafimaadka ayaa la tacaalaya dhaawacyadii, wararka dowlada waxay sheegayaan in shan kamid ah ciidamada booliska ay ku jiraan dadka geeriyooday.

 

Maxaynu ka ognahay ilaa iyo hadda weerarka garoonka  diyaaradaha caalamiga Ataturk?

-Ugu yaraan 36 qof ayaa ku geeriyootay, 147 kalena waa ku dhaawacmeen, 6 qof ayaa ku sugan xaalada daran.

-Weerarka waxa uu dhacay saacada gudaha Turkiga markay ahayd 9:22pm.

-Labo naftood hureyaal ah ayaa la xaqiijiyay in ay weerarka qaadeen laakiin qof saddexaad ayaa looga shakisanyahay inuu ku lug lahaa.

-Weeraryahanadu ma aysan marin qalabka baaritaanka ee garoonka.

-Qori AK-47 ah iyo suumanka qaraxyada ayaa loo adeegsaday weerarka.

-Diyaaradihii imaan lahaa iyo kuwii ka bixi lahaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah Ataturk ayaa la hakiyay.

[box type=”info”]Warbixinadan waxaan kasoo xiganay Wakaalada wararka Turkiga Anadolou iyo Teleefishinka ay dowlada Turkiga maalgeliso ee TRT World.[/box]

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*