Ugu yaraan 25 oo ku geeriyooday qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay caasimada Suuriya

Ugu yaraan 25 oo ku geeriyooday qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay caasimada Suuriya. [Xigashada sawirka: Anadolu]
Ugu yaraan 25 oo ku geeriyooday qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay caasimada Suuriya. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Dimishiq-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay qarax is-miidaamin ah kaasoo maanta oo Arbaco lala eegtay dhisme weyn oo maxkamadeed oo kuyaala gudaha caasimada dalka Suuriya ee Dimishiq, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda Suuriya ee SANA.

Qof isa-soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay gudaha xarunta maxkamada oo kutaala degmada Hamidiyah ee bartamaha Dimishiq, sida ay sheegtay wakaalada wararku.

Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka, tobonaan qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Ma jirto cid wali sheegatay masuuliyada qaraxa.

Weerarka maanta oo Arbaco ah dhacay, ayaa ku soo beegmaya lix sanno kadib markii uu bilaabmay dagaalka Suuriya, kaasoo bilaabmay bartamihii bishii Maarso ee sanadkii 2011-kii, kadib markii kooxo mucaaradsan rajiimka Madaxweyne Bashaar Al-asad ay hubka qaateen si ay xilka uga tuuraan isaga.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*