Ugu yaraan 24 qof oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay caasimada Afkaanistaan ee Kabul

Qaraxyo Kabul
Qaraxa ka dhacay magaalada Kabul. Sawirka: Reuters.

Kabul-(Puntland Mirror) Labo qarax ayaa ka dhacay maanta oo Isniin ah caasimada dalka Afkaanistaan ee Kabul.

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay qaraxyada waxaa kale oo ku dhaawacmay 91 qof oo kale.

Qaraxa kowaad ayaa ahaa midka rumuudka lagu hago, halka kan labaadna uu ahaa isbiimayn, sida ay ku warameen warbaahinta maxaliga ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, xilli aad u mashquul badan.

Wasaarada gaashaandhiga, wasaarada maaliyada, iyo saldhiga booliiska ee degmada ayaa kuyaala meesha uu qaraxa ka dhacay.

Kooxda Taalibaan oo mar walba qaada weerarada Kabul, ayaa sheegatay qaraxyada.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*