Ugu yaraan 20 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay suuq kuyaala Muqdisho

Ugu yaraan 20 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay suuq kuyaala Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wax loo malaynayo in uu ahaa weerar isbiimayn ah ayaa lala eegtay suuq mashquul badan oo kuyaala degmada Wadajir ee gudaha Muqdisho, waxaana lagu dilay ugu yaraan 20 qof, sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu.

Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha suuqa Kaawo-godey ee magaalada Muqdisho maanta oo Sabti ah, iyadoo dadku ay suuqa ka dukaamaysanayeen.

Intooda badan dadka dhintay ayaa ah shacab.

Waxaa laga baqayaa in tirada dhimashadu ay korodho.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas maanta oo Sabti ah, balse waxaa looga shaki qabaa ururka hubaysan ee Al-Shabaab, kuwaasoo weeraro kan lamid ah qaaday mudadii lasoo dhaafay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*