Ugu yaraan 20 dagaalyahan oo Al-Shabaab looga shaki qabo oo lagu dilay weerar ay ciidamada dowlada Puntland ka geysteen deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug

Jajabka ka haray gaari ku burburay weerarka.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dowlada Puntland ayaa sheegtay in ciidamada amaanka ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad Al-Shabaab ahaa oo ku dhumaalaysanayay deegaanka Jeexdin oo u dhow magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida uu sheegay sarkaal dowlada ah.

Isku-duwaha wasaaradda warfaafinta Puntland ee gobolka Mudug Cabdinaasir Badal Khalaf ayaa wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Gaalkacyo in weerarka uu saakay oo Arbaco ah ka dhacay deegaan cidlo ah oo u dhaxeeya Jeexdiniyo Godod ee gobolka Mudug.

Khalaf ayaa sheegay in weerarka lagu dilay dagaalyahano Al-Shabaab ah sidoo kalena lagu gubay baabuur dagaal, isag oo xusay in ay aaminsanyihiin in maleeshiyada ay weerareen ay halkaas isku qorshaynaysay si ay weeraro ugu qaadaan ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Godod.

Dadka deegaanka ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in ugu yaraan 20 dagaalyahan oo Al-Shabaab looga shaki qabo ay ku dhinteen weerarka.

Dhanka kale, maamulka yar ee Galmudug ayaa sheegay in ugu yaraan 22 askari oo ciidamadooda ah la dilay kadib markii ciidamada Puntland ee PSF oo ay taageerayaan diyaarado Maraykan ah ay weerar kusoo qaadeen saakay saldhig ay ku lahaayeen koonfurta-bari ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Maarso ee sanadkan, ciidamada dowlada Puntland ayaa kula dagaalamay maleeshiyada Al-Shabaab deegaanada xeebaha ah ee gobolada Mudug iyo Nugaal, intii uu socday dagaalka ugu yaraan 200 oo maleeshiyo ah ayaa la dilay 97 kalena waa la qabtay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*