Abuja-(Puntand Mirror) Saddex qof oo isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay suuq kalluun oo kuyaala magaalada Konduga ee waqooyiga-bari ee dalka Nayjeeriya maanta oo Sabti ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan 19 qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan.
Intooda badan dadka ku dhintay qaraxa ayaa ahaa shacab. Ugu yaraan 50 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.
Ururka Booko Xaaraam ayaa lagu eedeeyay qaraxaas, inkastoo aysan weli sheegin in ay iyagu ka dambeeyaan.
Booko Xaaraam ayaa dishay dad gaaraya 20,000 waxayna barakicisay in ka badan labo milyan tan iyo markii ay sanadkii 2009 bilaabeen ololahooda ay ku rabaan in maamul Islaamiya ay ka dhisaan waqooyiga dalka.
Booko Xaaraam weli waxay wadaa weerarada dhimashada leh iyada oo dowladda Nayjeeriya ku andacoonayso in ay ka adkaadeen maleeshiyada Booko Xaaraam.
Related Posts
- July 16, 2016 Somali President condemns an attempted coup in Turkey
- April 8, 2017 Kenya says its forces killed Al-Shabab Commander in Kuday Island
- May 20, 2017 About 12,000 students in Puntland sit for national examination
- October 17, 2017 Puntland oo gurmad u diri doonta Muqdisho
Be the first to comment