Ugu yaraan 18 qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 18 qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Muqdisho. [Xigashada Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 18 qof ayaa ku geeriyootay qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho xalay fiidkii.

Qaraxa ayaa lala beegsaday wadada Maka Al Mukarama taasoo ay kuyaaliin huteelo, dukaamo iyo makhaayado, sida masuuliyiin katirsan booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u sheegeen wakaalada wararka Reuters.

Ugu yaraan 40 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka. Intooda badan dadka dhibbaatadu soo gaartay ayaa ahaa shacab.

Waxa uu ahaa weerarkii ugu cuslaa oo indhawaale ka dhaca caasimada Soomaaliya.

Baabuur badan oo yaalay wadada ayaa dab qabsaday, waxaana la arki karay holac xoogan oo ka baxaya.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay ku warantay Reuters oo soo xiganaysa Cabdulcaiis Abu Muscab, oo ah afhayeenka maleeshiyada ee howlgalada.

Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay sii kororto sababtoo ah qaar katirsan dhaawacyada oo aad u liita.

Sida ay sheegtay Reuters, subaxnimadii hore ee maanta oo Jimce ah ayaa weli waxaa socday dagaal u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo koox dablay ah oo katirsan Al-Shabaab oo qaraxa daba socday kuwaasoo galay dhisme u dhow huteelka Maka Al Mukarama.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*