Ugu yaraan 18 qof oo ku dhimatay dhul-gariir ku dhuftay Talyaaniga

Earthquake
Dhul-gariirka ayaa saameeyay dhismayaasha in ay burburaan. Sawirka: Twitter.

Rome-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 18 qof ayaa la aaminsanyahay in ay ku dhinteen kadib markii dhul-gariir xoogan uu ku dhuftay bartamaha dalka Talyaaniga, tobonaan xaafado ah ayaa ku burburay dhul-gariirka oo dhacay maanta oo Arbaco ah, sida ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah ee Talyaaniga.

Haayada kormeerka dhulka (USGS) ee Maraykanka ayaa sheegtay in dhul-gariirkaas oo ka dhacay meel u dhow magaalada Norcia ee gobolka Umbria uu dhacay 3.36am ee saacada gudaha Talyaaniga, haayada ayaa sheegtay in cabirka dhul-gariirka uu ahaa 6.2.

Dhul-gariirka ayaa sababay dhismayaasha in ay burburaan, iyadoo dadka deegaanka ay u carareen wadooyinka magaalooyinka si ay uga baxsadaan in dhismayaasha kusoo dumaan.

Dhul-gariirkii ugu dambeeyay ee ka dhaca dalka Talyaaniga ayaa ku dhuftay magaalada bartamaha kutaala ee L’Aquila sanadkii 2009, waxaana ku dhintay in ka badan 300 qof.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*