Ugu yaraan 18 askari oo katirsan ciidamada AMISOM oo ku dhintay weerar gaadmo ah oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ugu yaraan 18 askari oo katirsan ciidamada AMISOM oo ku dhintay weerar gaadmo ah oo ka dhacay Shabeellaha Hoose. [Xigashada Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 18 askari oo katirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose oo ay qaaday maleeshiyada Al-Shabaab, sida ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ay u sheegeen warbaahinta.

Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada Golweyn, taasoo 120km dhanka koonfurta uga beegan Muqdisho, waxaana lala beegsaday kolonyo baabuur ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerarka ku dileen 39 askari oo katirsan ciidamada AMISOM, balse saraakiisha milatariga ayaa sheegay in tirada la buunbuuniyay.

Kolonyada ayaa katirsanayd ciidamada Uganada oo qayb ka ah AMISOM kuwaas oo ka tagay magaalada Shalanbood.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen Al-Shabaab oo dhulka ku jiidaysa meydka askarta.

Afhayeen u hadlay AMISOM oo la dhaho Wilson Rono ayaa xaqiijiyay weerarka gaadmada ah balse waxa uu qaadacay tirada ay Al-Shabaab sheegtay.

Ku dhawaad 22,000 ciidamo ka socda Midowga Afrika ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya, waxayna dagaal kula jiraan ururka hubaysan ee Al-Shabaab, kuwaasoo doonaya in ay afgembiyaan dowladda uu caalamku taageerayo ee Soomaaliya oo fadhigeedu yahay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*