Ugu yaraan 17 qof oo shacab ah oo ka cararayay dagaalka Ciraaq oo ku dhimatay miinada dhulka lagu aaso

Shacab ka cararaya dagaalka magaalada Mowsil ee dalka Ciraaq. [Sawirka: Alalam News Network]
Shacab ka cararaya dagaalka magaalada Mowsil ee dalka Ciraaq. [Sawirka: Alalam News Network]
Baqdaad-(Puntland Mirror) Todobo iyo toban shacab ah ayaa ku dhimatay qarax miinada dhulka lagu aaso oo ka dhacay dalka Ciraaq iyaga oo dadka dhintay ay ka cararayeen magaalo kutaala waqooyiga oo ay haystaan maleeshiyada Daacish sidoo kale loo yaqaan ISIS, sida ay sheegeen booliiska.

Dadka dhintay ayaa saarnaa gaari xamuul ah marka uu qaraxa la kacay, nin booliis ah ayaa sidoo kale ku dhintay.

Dadka ayaa ka cararayay magaalada Hawija oo kutaala waqooyiga.

Dhimashada ayaa timid iyadoo ciidamada dowladda Ciraaq ay sii wadaan weerarkooda magaalada kale ee Mowsil oo ah magaalada ugu dambaysa ee ISIS ku xooganyihiin.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*