Ugu yaraan 16 qof oo ku geeriyooday qaraxyo kala duwan oo ka dhacay gudaha caasimada Afghanistan ee Kabul

Dadka ku dhaawacmay qaraxyada ayaa loola cararay isbitaalada. [Xigashada Sawirka: EPA]
Dadka ku dhaawacmay qaraxyada ayaa loola cararay isbitaalada. [Xigashada Sawirka: EPA]
Kabul-(Puntland Mirror) Taalibaan ayaa weerartay bartilmaameedyo kala duwan oo kuyaala gudaha caasimada dalka Afhanistan ee Kabul, ilaa iyo 16 qof ayaa ku dhimatay weeraradaas oo dhacay maanta oo Arbaco ah.

Gaari qarax laga soo buuxshay ayaa maanta ku qarxay xarun booliis oo kutaala qaybta galbeed ee Kabul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Wax yar kadib, qarax gaari oo kale ayaa lagu dhuftay albaabka xarunta nabadsugida qaybta kutaala bariga Kabul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha guduhu.

“Nasiib daro 16 qof ayaa lagu dilay labadaas weerar ee ka dhacay Kabul,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Waheed Majroh, oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka, isaga oo intaas ku daray in 44 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Ururka hubaysan ee Taalibaan ee ka dagaalama gudaha dalka Afghanistan ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*