Ugu yaraan 15 qof oo ku geeriyootay dagaal beeleed ka dhacay deegaanada miyiga ee kuyaala xadka gobolada Nugaal iyo Sool

Sawirka: Nin reer guuraa ah oo qori AK-47 ah sita.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii maleeshiyo beeleedyo ay ku dagaalameen deegaanada miyiga ee kuyaala xadka gobolada Nugaal iyo Sool, sida uu sheegay qof dadka deegaanka ah.

Dagaalka oo u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda beel-hoosaadka Cumar Maxamuud iyo beesha Dhul-bahante ayaa ka bilaabmay deegaanada Cagaare iyo Qorilay asbuucii lasoo dhaafay, sida Jaamac Xasan Xirsi oo katirsan dadka deegaanka uu khadka taleefoonka ugu sheegay warsidaha Puntland Mirror.

“Isku dhacyadu waxay bilowdeen asbuucii lasoo dhaafay, ilaa iyo hadda waxaa ku dhintay 15 qof oo labada dhinac kawada tirsan, in ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri.

Odayaasha dhaqanka ee ku sugan gobolka ayaa isku dayaya in ay joojiyaan dagaalka dhiigu ku daatay, sida oday dhaqameed jooga Garoowe uu u sheegay Puntland Mirror.

“Waxaanu deegaanadaas u diri doonaaa, odayaal, culimo u diin iyo aqoonyahano si ay qeyb uga qaataan nabad kusoo dabaalidda,” ayuu yiri odaygu.

Tobonaan qof ayaa ku geeriyooday isku dhacyo hore oo dhexmaray labada dhinac, oo ay sababeen aanooyin qabiil iyo muran muddo dheer oo daaqsinka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*