Ugu yaraan 15 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ay Al-Shabaab ka geysatay gudaha Muqdisho

Ugu yaraan 15 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ay Al-Shabaab ka geysatay gudaha Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay Muqdisho maanta oo Axad ah kadib markii qarax gaari lala eegtay saraakiil sare oo ka ambabaxayay saldhig milatari, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka amniga iyo caafimaadka katirsan.

Intooda badan dadka geeriyooday kuna dhaawacmay qaraxa ayaa ahaa shacab sababtoo ah qaraxa gaariga ayaa burburiyay gaari bus ah oo ay saanaayeen dad shacab ah, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sida ay Puntland Mirror khadka taleefoonka ugu sheegeen saraakiil caafimaad oo jooga Muqdisho.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay ku warantay idacada Al-Shabaab ee Al-andalus.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*