Ugu yaraan 15 askari oo lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidan oo ku dhow Muqdisho

Dagaalyahano hubaysan oo Al-Shabaab ah. [Xigashada Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dagaalyahano Al-Shabaab ah ayaa dilay ugu yaraan 15 askari kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig milatari oo ay leeyihiin ciidanka Soomaaliya maanta oo Jimce ah, maleeshiyada Al-Shabaab iyo saraakiil dowladda Soomaaliya katirsan ayaa u sheegay warbaahinta Reuters.

Maleeshiyada ayaa qoryo iyo qarax gawaari u adeegsatay si ay gacanta ugu dhigaan saldhiga oo ku dhow magaalada Bariire, oo 50 km dhanka koonfur galbeed ka xiga Muqdisho, weerarka oo ahaa subaxnimo hore.

Dagaalyahanada ayaa sidoo kale qaatay 11 gaari oo ay saarnaayeen qoryo waa-weyn oo, sida afhayeenka Al-Shabaab u qaabilsan howlgalada milatariga Cabdicasiis Abu Muscab uu u sheegay Reuters.

“Askartii kale iyaga oo khalkhalsan bay u carareeen keynta. Hadda anaga ayaa gacanta ku hayna saldhiga iyo magaalada,” ayuu yiri.

Sargaal katirsan ciidanka Soomaaliya ayaa Reuters u sheegay in tirada dhimashadu ay tahay 15 askari, balse Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dishay 21 askari, dowladda iyo Al-Shabaab ayaa badanaa ku kala duwanaada sheegista tirada dhimashada.

“Waxaa joogay halkaas guuto ciidamo ah balse dagaal adag baa dhacay, labo qarax oo baabuur ah iyo dagaal gacanta la iskula tagay ayaa saldhiga ka dhacay,” Kabtan Cusmaan Cali ayaa sidaa u sheegay Reuters.

“Ciidamada la weeraray waxay ahaayeen milatari katirsan dowladda Soomaaliya iyo ciidamo gaar ah oo ay tababareen Mareykanku oo la dhaho Danab. Waxaa loo diray ciidamo xoojin ah halkaas,” ayuu yiri sargaalku.

Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh urur weynaha Al-Qaacida ayaa dibada looga saaray caasimada Soomaaliya sanadkii 2011, balse weli waxay qaadaysaa weeraro joogto ah oo ay la bartilmaameedsanayso haayadaha ammaanka Soomaaliya iyo ciidanka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ka socda ee AMISOM.

Cali Nuur, oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo Bariire kutaal, ayaa Reuters u cadeeyay weerarka.

Labo asbuuc kahor, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhig ciidan oo kuyaala magaalo u dhow xadka Kenya. Saddex asbuuc kahor, waxay weerareen mid kale oo kuyaala koonfurta magaalo xeebeedka Kismaayo, iyaga oo isku darka guud ku dilay 43 qof labadaas weerar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*