Ugu yaraan 14 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowlada

Somali soldier
Askari katirsan ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose [File: Xinhua News Agency]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 14 dagaalyahan oo Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka KM-50 oo kuyaala gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay maanta oo Arbaco ah ku warantay wakaalada wararka dowlada federaalka Soomaaliya ee Sonna.

Sida ay Sonnna sheegtay, ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shalay galab oo Talaado ahayd howlgalka ka sameeyeen deegaanka KM-50.

Ma jirto wax faahfaahin haddii ay jirto khasaare soo gaaray dhanka ciidamada intii uu socday howlgalka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*