Ugu yaraan 12 qof oo ku dhimatay suuq kuyaala waqooyiga-bari ee Hindiya kadib markii niman hubaysan ay rasaas ku fureen

Assam market attack
Qiiq ka baxaya suuqa weerarka ka dhacay oo kuyaala magaalada Kokrajhar ee gobolka Assam, dalka Hindiya. Sawirka: Twitter.

Mumbai-(Puntland Mirror) Niman hubaysan oo aan la aqoon cida ay yihiin ayaa ku dilay suuq mashquul badan oo kuyaala waqooyiga-bari ee dalka Hindiya ugu yaraan 12 qof waxayna dhaawaceen tobonaan kale, sida ay sheegeen booliiska.

Nimanka weerarka soo qaaday ayaa rasaas ku furay dadka oo ku sugnaa suuqa oo kuyaala magaalada Kokrajhar ee gobolka Assam, dalka Hindiya, maanta oo Jimce ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaysa booliiska.

Warbaahinta maxaliga ah ee Hindiya ayaa ku waramaysa in ugu yaraan 20 qof oo dadka dhaawaca kamid ah ay ku suganyihiin xaalad daran, waxaana la filayaa in tirada dhimashada ay korodho.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas wali, balse ciidamada amaanka Hindiya ayaa ku eedeeyay jabhada NDFB, kuwaasoo horey weeraro kan lamid ah u geystay. Jabhadda NDFB ayaa u dagaalanta sidii madaxbanaani uu u heli lahaa gobolka Assam oo kuyaala waqooyiga-bari ee dalka Hindiya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*