Ugu yaraan 11 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay suuq kuyaala Muqdisho

Tirada dhimshada ee ka dhalatay qaraxa ayaa sii kordhaysa. [Xuquuqda Sawirka: Radio Shabelle]
Tirada dhimshada ee ka dhalatay qaraxa ayaa sii kordhaysa. [Xuquuqda Sawirka: Radio Shabeelle]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay 16 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho maanta oo Sabti ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa Waaberi, iyadoo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu booqanayay Jaamacada Ummada oo u dhow meesha uu qaraxa ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka, balse shakiga ayaa ku dhacaya kooxda hubaysan ee Al-Shabaab oo horey weeraro kan lamid ah u geysatay.

Tirada dhimashada ayaa sii kordhaysa, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Inkastoo laga saaray magaalooyinka waa-weyn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sii wada weerarada ku dhufoo ka dhaqaaqa ah ee ka dhanka ah saraakiisha dowladda iyo kuwa ajaaniibta ah.

About Mohammed Omer Ahmed Mulla 20 Articles
Independent Researcher. Director and Chief Editor at Puntland Mirror. Focuses extensively on Security and Human Right Trends in Somalia, and the broader Horn of Africa Region.You can reach him on: Update.fkulan@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*