Ugu yaraan 10 qof oo lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhig ay AMISOM ku leedahay magaalada Beledweyne

Qiiq weyn oo la arko oo ka yimid saldhiga milatariga. [Sawirka: Twitter]
Qiiq weyn oo la arko oo ka yimid saldhiga milatariga. [Sawirka: Twitter]
Beledweyne-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 qof ayaa la dilay, oo ay kamidyihiin ciidamo AMISOM katirsanaa kadib markii qof isa-soo miidaamiyay oo saarnaa gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa gudaha loo gashay saldhig milatari oo AMISOM ku leedahay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, bartamaha Soomaaliya, sida uu sheegay qof dadka deegaanka ah.

“Toban qof baa ku dhimatay qaraxa,” qof dadka deegaanka ah oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa Puntland Mirror sidaa u sheegay.

“Shan kamid ah kuwa dhintay waxay ahaayeen ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti.” Ayuu ku daray.

Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa boggooda Twitter-ka ku qoray in ay dileen ku dhawaad 10 xubnood oo Al-Shabaab ah kuwaasoo soo weeraray saldhigooda milatari ee kuyaala Beledweyne.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka, sida ay baahiyeen mareegaha lala xiriiriyo, iyaga oo soo xiganaya afhayeenka howlgalada milatariga kooxda Al-Shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*