Ugu yaraan 10 qof oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 10 qof oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho [Sawirka: Twitter]
Ugu yaraan 10 qof oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay kadib markii gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa lagu qarxiyay makhaayad kutaala gudaha Muqdisho maanta oo Arbaco ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka iyo kuwa amaanka.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, sida saraakiil caafimaad oo ku sugan Muqdisho ay khadka taleefoonka ugu sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Intooda badan dadka lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay weerarka ayaa ahaa shacab, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka, tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay siyaado iyadoo in badan oo dhawaca ah la sheegay in ay ku jiraan xaalad daran.

Ma jirto cid is dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas. Si kastoo ay ahaataba ururka hubaysan ee Al-Shabaab ay sheegtay masuuliyada weeraro hore oo ka dhacay gudaha Muqdisho.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*