ugu yaraan 10 qof oo ku dhimatay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday makhaayada Banaadir ee xeebta Liido

Liido qarax
Gaadiid ku burburay qaraxa ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday makhaayada Liido ee Muqdisho. Sawirka: Hiiraan Online.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar koox hubaysan oo Al-Shabaab katirsan ay xalay oo Khamiis ahayd ku qaadeen makhaayad kutaala xeebta Liido ee caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilaabmay kadib markii gaari biimaysan ay kooxda weeraraka qaaday ku dhufteen albaabka hore ee makhaayada oo la dhaho Banaadir, kadibna waxaa daba socday niman qoryo wata oo ilaa saddex ah, sida ay sheegeen ciidamada booliiska.

Intii uu socday howlgalka ayaa ciidamada amaanka toogteen labo kamid ah nimanka weerarka soo qaaday.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida afhayeenka howlgalada Al-Shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab uu u sheegay wakaalada wararka Reuters.

Ku dhawaan 15 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Al-Shabaab ayaa horey weerar kan lamid ugu qaaday xeebta Liido oo ah meel ay dhalinyaradu u tagaan dalxiis.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*