Ugu yaraan 10 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 10 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. [Xigashada Sawirka: EPA]
Ugu yaraan 10 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. [Xigashada Sawirka: EPA]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah iyo dhanka caafimaadka.

Gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa ku qarxay banaanka hore ee huteel Weheliye oo saran jidka Maka Al Mukarama, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

In ka badan 15 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sida saraakiil caafimaad oo jooga Muqdisho ay taleefoonka ugu sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Waxaa jirta baqdin ku saabsan in tirada dhimashada ay kordhi karto, sida saraakiisha caafimaadku ay sheegeen.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas maanta oo Isniin ah dhacay, sida uu ku waramay raadiyaha Al-Shabaab ee Al Andalus.

In tii lagu guda jiray bilihii u dambeeyay, ururka hubaysan ayaa kordhiyay weeraradooda gudaha caasimada.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*