Ugu yaraan 10 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 10 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay qarax gaari oo maanta oo Talaado ah lala eegtay xarunta dowladda hoose ee degmada Wadajir ee Muqdisho, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda.

Cabdifataax Cumar Xalane oo ah afhayeenka duqa Muqdisho, ayaa wariyeyaasha u sheegay in 10 qof lagu dilay weerarka, 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale in ka badan 10 gaari ayaa ku burburay qaraxa, sida uu sheegay Xalane.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay iyagu ka dambeeyaan weerarka, sida ay tebisay idaacada afkooda ku hadasha ee Radio Al-Andalus.

Kani waa weerarkii labaad oo ay maleeshiyada ka geysato gudaha Muqdisho intii lagu guda jiray bisha barakaysan ee Ramadaan. Asbuucii lasoo dhaafay ugu yaraan 19 qof ayaa ku geeriyooday kadib markii qarax gaari iyo rasaasayn lagu qaaday huteel iyo makhaayad kuyaala Muqdisho.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*