Ugu yaraan 10 qof oo ku dhaawacantay qarax gaari oo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo

Ugu yaraan 10 qof oo ku dhaawacantay qarax gaari oo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo. [Sawirka: Archive]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhaawacantay qarax gaari oo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo fiidkii xalay oo Talaado ahayd, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan ammaanka iyo caafimaadka.

Qaraxa aayaa dhacay markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay uu ku qarxay waddo mashquul badan oo kutaala Kismaayo, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Inta badan dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa la sheegay in ay yihiin shacab, qayb kamid ahna ay xaaladoodu culustahay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaas ilaa iyo hadda, balse ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa mar walba weeraradaan oo kale ka geysta gudaha dalka.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ayaa Al-Shabaab dibada uga saaray Kismaayo sanadkii 2012, balse wali waxay joogtaa duleedka magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*