Ugu yaraan 11 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Istanbuul

Weerar bumbo oo lala eegtay gaari booliis ah gudaha magaalada Istanbuul ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 11 qof, oo ay ku jiraan saddex katirsan ciidamada booliiska, sida uu sheegay guddoomiyaha magaalada.

“Todobo booliis ah iyo afar shacab ah ayaa naftooda ku waayay,” Vasip Sahin oo ah guddoomiyaha Istaanbuul ayaa wariyeyaasha ugu sheegay goobta uu qaraxa ka dhacay. 36 qofna waa ay ku dhaawacmeen, oo ay saddex kamid ah halis yihiin, ayuu ku daray.

Madaxweyne Rajib Dayib Erdogan ayaa sheegay maanta oo Talaado ah in dalka uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubaysan ilaa ay ka dhamayn doonaan. Isagoo la hadlayay saxaafada kadib booqasho uu ugu tagay isbitaalka qaybo kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa, Erdogan wuxuu sheegay in weerarka uu ahaa mid aan sina loo ogolaan doonin.

Qaraxa ayaa yimid iyadoo lagu jiro maalmihii ugu horeeyay ee bisha Ramadaan ee barakaysan.

 

Xigasho: Wakaaladaha Wararka

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*