Uganda Airlines oo duulimaadyo ka bilowday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Xaflad loo qabtay diyaaradda ayaa lagu qabtay garoonka Aadan Cade ee Muqdisho. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Uganda Airlines ayaa maanta oo Khamiis ah duulimaadyo ka bilowday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xaflad loo qabtay furitaanka diyaaradda ayaa lagu qabtay garoonka waxaana ka qaybgalay masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo shirkada Uganda Airlines.

Waxay ku biiri doontaa tartanka diyaaraddo kale oo gobolka laga leeyahay oo horey Soomaaliya duulimaadyo uga bilaabay sida Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways.

Uganda Airlines ayaa Talaadadii bilowday duulimaadyadeeda ganacsiga ee magaalooyinka Geeska Afrika kadib muddo ku dhow labaatan sanno oo aysan shaqayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*