Turkiga oo sheegay in aysan wadamo kale kula tartamayn gudaha Soomaaliya

Danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho Olgan Bekar. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Turkigu tartan kulama jiro wadan walba oo kale ee xal doonista colaadaha Soomaaliya, sida uu sheegay danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho.

“Anagu marnaba loolan lama gelin daneeyaasha Soomaaliya… Turkigu wuxuu balaariyay jaceylka iyo rajada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii,” Olgan Bekar ayaa sidaa u sheegay wakaalda wararka Turkiga ee Anadolu, isaga oo iska fogeeyay eedaha sheegaya in ay kamidyihiin wadamo ku loolamaya Soomaaliya.

“Turkigu waa meel uu u mudanyahay Soomaaliya,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in ujeedada Turkigu ay tahay in ay dadka Soomaaliyeed caawiyaan, ayna hoos u dhiggaan dhibbaatada ay soo mareen ka dib dagaalkii sokeeye ee 1991kii.

Isagoo caddeeyey in wax walba oo Soomaaliya gudaheeda ah ay u baahanyihiin in laga dhiso meel hoose, Bekar wuxuu muujiyay doorka Turkiga ee dalka.

Wuxuu sheegay in dalal badan oo kale ay sidoo kale dadaal ka sameeyeen dib-u-dhiska Soomaaliya.

“Ma rabno in qofka kasta uu si toos ah u dhexgalo arrimaha gudaha Soomaaliya. Waxaan rabnaa wadamadu in ay ciyaaraan door wax ku ool ah.” Ayuu yiri danjiruhu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*