Turkiga oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Muuqaalka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Turkiga. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa cambaareeyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho Sabtidii.

“Aad baanu uga muragooneynaa in dad badan oo shacab ah ay naftooda ku waayaan kuna dhaawacmaan qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho,” sidaa ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga.

“Waxaanu caambaareynaynaa weeraradaan argagixiso ee naxdinta leh oo ujeedku yahay in lagu wiiqo ammaanka iyo xasiloonoda Soomaaliya, waxaanu u rajeynaynaa naxariista Alle kuwii ku naf waayay, waxaana tacsi u direynaa qoysaskii, waxaa kale oo u rajeynaynaa dadkii dhaawacmay caafimaad deg deg ah,” ayaa lagu sii yiri bayaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in Turkiga uu sii wadi doono is-garab taaga dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda dagaalka ay kula jiraan xagjirnimada iyo soo celinta xasiloonida.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii labo qarax oo gaari lala beegsaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee Muqdisho Sabtidii.

Maleeshiyada hubeysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*