Turkiga iyo Israel oo heshiis gaaray

RW Turkiga Erdogan iyo dhiggiisa Israel Netanyahu.

 

Raysulwasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu ayaa cadeeyay in Israel ay heshiis la gashay wadanka Turkiga si loo soo cesho xiriirka, wuxuu intaas ku daray in heshiiska uu kaalin weyn ka qaadan doono hagaajinta dhaqaalaha dalkiisa.

Netanyahu ayaa balanqaaday inuu qorshaynayo faahfaahinta heshiiska gelinka dambe ee maanta. Dhiggiisa Turkiga ayaa sidoo kale la rajayn inuu si lamid ah sameeyo.

Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka John Kerry ayaa soo dhaweeyay heshiiska, wxuuna sheegay in Maraykanka ay ka shaqaynayeen dib-uheshiisiin muddo badan oo sanado ah wuxuuna ugu yeeray “Tilaabo horey loo qaaday”.

Xiriirka Turki iyo Yuhuuda ayaa xumaaday sanadkii 2010-kii kadib markii Israel ay weerar ku qaadeen lix Markab oo Turkiga leeyahay kuwaasoo rabay in ay ka gudbaan xayiraad ay Yuhuuda saartay Qasa ayna caawimaad gaarsiiyaan Falastiiniyiinta halkaas ku nool.

Sagaal qof oo markabka saarnaa ayaa dhintay iyadoo 10 qof oo kalena ay dib ugu dhinteen dhaawacii soo gaaray.

 

Xigasho: Wakaaladaha wararka

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*