Trump oo saxiixi doona awaamiir xadidi doonta muhaajiriinta iyo socdaalka

Trump oo saxiixi doona awaamiir xadidi doonta muhaajiriinta iyo socdaalka. [Sawirka: EPA]
Trump oo saxiixi doona awaamiir xadidi doonta muhaajiriinta iyo socdaalka. [Sawirka: EPA]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixi doona amar lagu xadidayo dal ku galka iyo socdaalka, iyo sidoo kale soo galida muhaajiriinta, saxiixaas ayaa muhiim u ah balanqaadyadiisii, sida ay sheegayaan khuburada siyaasada falaanqeeya.

Mid kamid awaamiirtaas ayaa xadidaya socdaalka iyo imaanshaha Mareykanka muhaajiriinta haysta dal ku galka Ciraaq, Libya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yeman, sida uu sheegay wargeyska Washington Post.

Trump ayaa xilligii uu ku jiray ololihiisa waxa uu balanqaaday in uu dalka Mareykanka ka joojin doono dhammaan dadka Muhaajiriinta ah, isaga oo farta ku fiiqay Muslimiinta.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*