Trump oo saxiixay amar cusub oo muwaadiniinta ka soo jeeda lix dal oo Muslim ah looga mamnuucayo soo gelitaanka Mareykanka

Trump oo saxiixay amar cusub oo muwaadiniinta ka soo jeeda lix dal oo Muslim ah looga mamnuucayo soo gelitaanka Mareykanka. [Sawirka: Twitter]
Trump oo saxiixay amar cusub oo muwaadiniinta ka soo jeeda lix dal oo Muslim ah looga mamnuucayo soo gelitaanka Mareykanka. [Sawirka: Twitter]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweyne Donald Trump ayaa shalay oo Isniin ahayd saxiixay amar fulineed cusub oo lagu xadidayo socdaalka lix dal oo Muslim ah.

Horey amar kan oo kale ah oo uu soo saaray ayaa waxaa ku jiray dalka Ciraaq balse amarkan cusub waa laga saaray.

Lixda dal ayaa kala ah Iran, Libya, Sudan, Syria iyo Yemen.

Amarka ayaa tilmaamaya in muwaadiniinta ka soo jeeda wadamadaas aan loo ogolaan doonin in la siiyo dal ku galka Mareykanka muddo 90-maalmood ah.

Amarka cusub ayaa bilaabmi doona 16-ka bishaan Maarso, sida Aqalka Cad uu sheegay.

Ciraaq ayaa laga saaray liiska sababtoo ah dowladda ayaa kor u qaaday ilaalinta xogta dadka la siinayo fiisaha, sida ay sheegeen saraakiisha Aqalka Cad.

Dadka haysta deganaanshaha sharciga ah ee Mareykanka (Green Card) oo ka soo jeeda lixdan dal ee la magacaabay ayaan saameyn ku yeelan doonin.

Bartamihii bishii Janaayo Trump ayaa soo saaray amar kan lamid ah oo todobo dal oo Muslim ah muwaadiniinta ka soo jeeda looga mamnuucayo in ay soo galaan gudaha Mareykanka, balse amarkaas ayaa is-hortaag kaga yimid haayadaha garsoorka Mareykanka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*