Trump oo ku guuldareystay maxkamada racfaanka isku day uu ku rabay soo celinta amarkiisii mamnuucida safarka todobo dal oo Muslim ah

Trump
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. [Sawirka: Archive]
Washington-(Puntland Mirror) Maxkamada racfaanada federaalka Mareykanka ayaa tuurtay isku day uu Madaxweyne Trump ku rabay in uu dib u soo celiyo go’aankiisii mamnuucida muwaadiniinta todobo dal oo Muslim ah.

Maxkamada racfaanada ayaa sheegtay in aysan joojin doonin amarkii kasoo baxay garsoore federal oo jooga Seattle kaasoo hakiyay amarka Trump.

Mr Trump ayaa ka jawaabay tuurida maxkamada isaga oo boggiisa Twitter ku qoray in ammaanka qaranka uu ku jiro khatar.

Ma cadda haddii uu qorsheynayo in uu codsigiisa u gudbiyo Maxkamada Sare.

Tuurida amarkaas Trump, ayay la macno tahay in dadka ka imaanaya Iran, Liibiya, Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq iyo Yeman in ay sii wadi karaan in ay fiisahooda kusoo galaan gudaha Mareykanka. 

Intii lagu guda jiray asbuucyadii dhawaa ee alsoo dhaafay, boqolaal dad ah oo kasoo jeeda dalalkaas oo ay ku jiraan Soomaaliy oo haysta Green Cards iyo fiisooyinka ayaa boorsooyinkooda xirxirtay si ay u xaqiijiyaan in ay u duulaan Mareykanka kadib markii garsoore federaal ah uu joojiyay amarka safarka madaxweyne Donald Trump ee ku aadan todobada dal ee Muslimka ah.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*