Tonan nin oo lagu eedeeyay in ay gabar-yar ku kufsadeen kuna dileen Gaalkacyo oo maxkamad la hor geyn doono dhawaan

Tonan nin oo lagu eedeeyay in ay gabar-yar ku kufsadeen kuna dileen Gaalkacyo oo maxkamad la hor geyn doono dhawaan.

Garoowe-(Puntland Mirror) Toban nin oo lagu eedeeyay in ay kufsadeen kadibna dileen gabar yar ayaa maxkamad la soo taagi doonaa dhawaan, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Puntland.

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, Maxamuud Xasan Aw-cusmaan, oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in baaris dheer lagu sameeyay kiiskaas.

“Kiiska Caasho muddo hadda ku dhawaad saddex biilod kahor ayuu dhacay, baaris dheer buu galay, baaristaas oo lab qeybood ah, midna waxay ahayd mid ay haayadaha wax baara ay gacanta ku hayeen, midna wuxuu ahaa mid DNA iyo dheecaanada la baarayay,” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in kiiska ay dib u dhigtay kadib markii qeyb kamid ah barista sida DNA dibada loo diray, isaga oo intaas ku daray in jawaabihii baaristaas ay yimaadeen gacantana lagu hayo.

“Waxaa daahiyay kiiskaas maadaaba aanu gacanta ku heyn baarista rasmiga ah ee qalabka lagu sameynayay, waxaa loo diray dibada oo laga sugayay, waxay jawaabihii yimaadeen muddo asbuuc kahor ah.” Ayuu yiri.

Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-sanno jir ah ayaa lagu kufsaday laguna dilay magaalada Gaalkacyo dabayaaqadii bishii Febaraayo ee sanadkan 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*