Tobonaan qof oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Bay

Ciidamada dowladda. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tobonaan qof la sheegay in lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Bay oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Weerarka ayaa bilaabmay kadib markii maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xero ay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Goof-guduud ee gobolka Baay subaxnimadii Isniinta.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ku dhawaad 20 maleeshiyo ah oo katirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarkaas.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ilaa 7 askari oo katirsan ciidanka dowladda lagu dilay weerarka.

Goof-guduud ayaa ah magaalo beereed taasoo qiyaastii 30 kiiloomitir u jirta magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Bay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*