Tobonaan ciidamo ah oo ka socda Somaliland oo ku biiray jabhada uu hoggaamiyo Kornayl Caare

Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya ciidamo tobobnaan ah oo ku labisan tuutaha ciidamada.

Garoowe-(Puntland Mirror) Tobonaan ciidamo ah oo ka socda Somaliland oo ay ku jiraan saraakiil sare ayaa ku soo biiray jabhada uu hoggaamiyo Kornayl Caare.

Kornayl Siciid Cawil Caare ayaa Isniintii shalay saldhigiisa ku soo bandhigay ciidamada cusub ee ku soo biiray.

Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya ciidamo tobobnaan ah oo ku labisan tuutaha ciidamada.

Ciidamada kasoo goosanaya Somaliland ee ku biiraya jabhada ayaa kordhaysay tan iyo markii ay saldhigeeda ka furatay Puntland sanadkii lasoo dhaafay.

Caare, oo ah sargaal sare oo katirsanaan jiray ciidamada maamulka Somaliland ayaa sheegay in uu uga soo tagay cadaalad daro iyo dulmi, waxaana jabhadiisa uu ugu yeeray “dulmi diid”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*