Tobonaan banaanbaxayaal ah oo lagu dilay isku-dhacyo ka dhacay dalka Congo

congo
Banaanbaxyo ka dhacay caasimada dalka Congo ee Kinshasa. Sawirka: AFP.

Kinshasa-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay intii ay socdeen isku-dhacyo u dhaxeeyay booliiska iyo dad banaanbaxyo lidi ku ah dowlada Jamahuuriyada Dimuqraadiga Congo samaynayay oo ka dhacay caasimada Kinshasa.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Congo Claude Pero Luwara ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay in saddex kamid ah ciidamada booliiska ay ku jiraan kuwa la dilay. Wadaad Kaatoolig ah ayaa sheegay in mid kamid ah ciidamada booliiska dhintay nolosha lagu gubay intii ay socdeen rabshaduhu.

Dowlada Congo ayaa sheegtay in ay mamnuucday banaanbaxyada ka dhanka ah madaxweyne Joseph Kabila.

Si kastoo ay ahaataba, kooxaha mucaaradka ah, ayaa ku baaqay banaanbaxyo dheeri ah, sida ay ku sheegeen bayaan, waxay sidoo kale sheegeen in ka badan 50 qof in lagu dilay isku-dhacyada.

Kabila, oo xukumayay dalka macdanta-qaniga ku ah ee DRC tan iyo sanadkii 2001, ayaa dastuurka ka mamnuucayaa inuu mar saddexaad isku soo gaato madaxweyne, balse waxa uu isa siiyay sumad muujinaysa in uusan shaqadiisa ka tagin.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*