Tiro madaafiic ah oo lagu qabtay magaalada Boosaaso


Saraakiisha ammaanka oo warbaahinta la hadlaya markii ay soo bandhigayeen madaafiicda. [Xigashada Sawurka: Puntland Post]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Saraakiisha ammaanka Puntland eek u sugan magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay tiro madaafiic ah oo lagu qabtay howlgalo ka dhacay magaalada asbuucyadii lasoo dhaafay.

Saraakiisha ayaa ka gaabsaday in ay bixiyaan faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan hubka, waxayna sheegeen in baaritaanku uu weli socdo.

Dhowr  weerar ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso sanadihii lasoo dhaafay, oo ay sheegteen Al-Shabaab iyo Daacish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*