Tirada dhimashda dagaal beeleedkii gobolka Sool oo gaartay 50 qof

Dad ku dhaawacmay dagaal beeleedka Dhumay. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada ka dhalatay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sool ayaa gaartay 50 qof, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo deegaanka ku sugan.

Isku dhacyada oo u dhaxeeya labo maleeshiyo oo katirsan beesha Dhulbahante ayaa Isniintii ka qarxay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Dhumay waa tuulo qiyaastii 40 kiilomitir dhanka koonfurta ka xigta magaalada Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool.

Colaada u dhaxeysa labadan beelood ayaa soo bilaabmatay sanadkii 2003, waxayna u socotay si teel teel ah tan iyo markaas, inkastoo marar badan la isku dayay in la dhammeeyo.

Sida ay wararku sheegayaan, xaalada deegaankaas ayaa maanta degan kadib labo maalmood oo dagaal dhiig badan ku daatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*